Farmaajo oo telefoonka kula hadlay Amiirka Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo amiirka Qadar, Tamim bin Hamad al-Thani, ayaa galabnimadii Khamiista [13, May], waxay yeesheen wadahadalo dhanka telefoonka, sida ay warisay warbaahinta ku hadasha afka dowlada Soomaaliya, wallow aysan soo bandhigin tafaasiisha wada-sheekeysiga.

Wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA ayaa warisay in labada mas'uul ay is-dhaafsadeen hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga.

"Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar Mudane Tamim Bin Hamad ayaa galabta khadka telefoonka isku dhaafsaday Hambalyadda Munaasibada Ciida," ayay tiri SONNA

Warbixinta ayaa intaas ku dartey: "Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa amiirka Dowladda Qadar Iyo Shacabkiisa urajeeyey in Rabbi sanadkan sanadkiisu ku Gaadhsiiyo Barwaaqo iyo Horumar".

Illaa haatanma jiro war rasmi ah oo ku saabsan wadahadalkan oo kasoo baxay dhanka Villa Soomaaliya iyo xukuumadda Dooxa.

Wadaxaajoodkan wuxuu imaanayaa xilli biyaha qabow ee Dooxa ay ku shubtey xiisada diblumaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi ay mar kale cirka isku sii shareereyso.

Dooxa ayaa Khamiista asbuucii hore waxay ka shaqeysay in maamulka Farmaajo soo celiyo xiriirka diblumaasi ee Kenya oo uu jaray December, 2020.

Hase ahaatee, todobaadkan labada dal waxay isdhaafsadeen talaabooyin curyaaminaya hagaajinta cilaaqaadka oo ay ku jirto in Nairobi hakisay duulimaadyada iyo Muqdisho oo diidey in ay xayiraadda ka qaado Jaadka miiraha ee dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM