Fiqi: Sharci darada Farmaajo ugu jiro Villa Somalia ayaa ah bililiqo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag wuxuu ugu jawaabay wasiirka amniga xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale.

Fiqi oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in dhawaqa Xundubey uu baalmarsan yahay baaqii nabadeed ee Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida laga soo xigtay Fiqi, hadalka Xundubey wuxuu la macno ah yahay inuu iclaamiyey dagaal, waxaana uu banaanka soo dhigayaa "in is-burin ay ka dhex-jirto xukuumadda waqtiga ka dhacay".

"Mar kasta ee uu RW Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha wasiirkiisa amniga Xundubey. Shalay Rooble wuxuu ku dhawaaqay xabbad joojin, maantana Xundubey wuxuu iclaamiyey dagaal. Waa yaabe sidee loo kala sareeyaa xukuumadan!?," ayuu yiri yiri.

Wuxuu ku daray: "Saaxiibkay Xundubay wax baa la bililiqeystay ayaa ahayd xujadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ku xalaalsanayo, laakin miyuusan ogeyn bililiqo ka weyn kursigii dalka looga talinayey oo Xoog lagu heysto in aysan jirin".

"Asagoo kursi bililiqo ah difaacaya inuu cid kale ku eedeeyo wax bay bililiqeysatay ma ahayn, bililiqada kaliya ee dagaal in lagu qaado mudan waa midda ka jirta Villa Soomaaliya," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Rooble ayaa shalay wuxuu dalbadey xabad-joojin iyo shir deg-deg ah oo looga arrin-sanayo xaaladda amni ee waddanka, hasa ahaatee, waxaa waanwaantaas ka hor-yimid mucaaradka.

Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa loo arkaa mid aanan gaarin karin qaraare waaweyn oo ku saabsan marxalada uu haatan ku jiro waddanka taasoo lumisay kalsoonida ku qabi karaan mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM