Qoor-Qoor oo loo doortay madaxweynaha labaad ee Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Doorasho ay ka qeybqaateen Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, oo gaaraya 89 ayaa maanta ka dhacday Dhuusamareeb, kuwaasoo isagu tagay saakay hoolka Shiirkole.

Codeynta oo ahayd mid mudo kooban socotay ayaa waxaa wareegga kowaad kusoo baxay Musharax Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], kaasoo ay Villa Soomaaliya taageertay ololihiisa doorashadda.

Qoor-Qoor oo horey loo saadaaliyay guushiisa ayaa noqday Wasiiru dowlaha wasaaradda howlagaha guud ee XFS.

Qoor-Qoor ayaa helay 66 cod wareegga kowaad, isagoo ka adkaaday 3 musharax oo kale, kuwaasoo kala ah C/raxmaan Axmed Sabriye [1 cod[], Axmed Shire Maxamed [1 cod], iyo Axmed C/llaahi Samatar [9 cod].

Waxaa hadda socota doorashadda Madaxweyne ku xigeenada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM