Qoor-Qoor oo loo doortay madaxweynaha labaad ee Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Doorasho ay ka qeybqaateen Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, oo gaaraya 89 ayaa maanta ka dhacday Dhuusamareeb, kuwaasoo isagu tagay saakay hoolka Shiirkole.

Codeynta oo ahayd mid mudo kooban socotay ayaa waxaa wareegga kowaad kusoo baxay Musharax Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], kaasoo ay Villa Soomaaliya taageertay ololihiisa doorashadda.

Qoor-Qoor oo horey loo saadaaliyay guushiisa ayaa noqday Wasiiru dowlaha wasaaradda howlagaha guud ee XFS.

Qoor-Qoor ayaa helay 66 cod wareegga kowaad, isagoo ka adkaaday 3 musharax oo kale, kuwaasoo kala ah C/raxmaan Axmed Sabriye [1 cod[], Axmed Shire Maxamed [1 cod], iyo Axmed C/llaahi Samatar [9 cod].

Waxaa hadda socota doorashadda Madaxweyne ku xigeenada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM