Galmudug oo guulo ka sheegatay gulufka liddiga ku ah Al-Shabaab

Image
Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle [Photo: Somali CableTv]

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa sheegay in AlShabaabka ku sugan degaanadooda ay saareen "cadaadiskii ugu xoogganaa".

Dhalinyarro "meelo kale laga keenay" ayuu carabka ku adkeeyay in ay waqti-xaadirkan ay u dhufeesyadda ugu jiraan "kuwa maxaliga ahna ay dib u gurasho sameeyeen".

Maamulkiisa oo kaashanaya cutubyo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayuu ka dhawaajiyey in uu rajeynayo "in dagaalameyaasha firxadka ah ay isku soo dhiibeen".

Qeybta Galmudug ka maamusho gobolka Mudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo lagu xoreeyo dhul ballaaran kuwaasoo ay muddo gacanta ku haysay Al-Shabaab.

Talaadadii, duqeyn Mareykanka ka fuliyey degaanka Caad oo waqoyga ka xigta Bacaad-weyn gobolka Mudug ayaaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxaa looga dilay 50 xubnood.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay markii Al-Shabaab ay ku weerartay Danab, cutub ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ee Mareykanku tababaray, meel u dhow magaalada Gaalkacayo.

Sida ay sheegtay afhayeenka waaxda difaaca Mareykana ee Pentagon, Cindi King, howlgalkaas waxaa fuliyey diyaaradaha gaarka ee aan duuliyaha lahayn kana soo kacay dalalka deriska.

Howlgalkaas wuxuu ahaa talaabadii ugu horeysay ee militari oo lala beegsado garabka Al-Qaacida ee Bariga qaarada Afrika tan iyo markii maamulka Biden uu qabtay xafiiska bishii Janaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM