Galmudug oo sheegtay in ay dishay xubno Al-Shabaab ahaa

Image
Tani ayaa kusoo beegmeysa xili ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolada dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in ay dileen 17 ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay in ay weerar ku qaadaan deegaan ka tirsan gobolkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Saraakiisha ammaanka oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa daaha ka rogay in raggaasi la dilay, ka dib markii ay isku dayeen inay qabsadaan degaanka Baxdo ee Bartamaha Soomaaliya.

"Ciidanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa iska caabiyay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen magaalada Baxdo, waxaana lagu dilay 17 ka mid ah argagixisada saacadihii hore ee Jimcaha," ayuu yiri Telefishinka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkan oo illaa haatan kasoo baxay dhinaca maleyshiyadda gacansaarka la leh xoogaga argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dhexe iyo koonfurta halkaasi oo ay kawadaan ciidamada deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM