Ganacsato xukun loogu riday "u adeegida" Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay baahisay xukun ay ku riday todoba ganacsato ah kuwaasoo lagu eedeeyay "u adeegida maleyshiyadda Al-Shabaab".

Maxamed Cismaan Maxamed oo ah maqane ayaa lagu xukumay xabsi daa'in "maadaama uu ahaa horjoogaha shabakadan," sida ku xusan nuqul kamid ah xukunka oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Xeerbeegtada ayaa min sideed sano oo xabsi ah waxay ku riday, Cabdisalaan Cali Faarax, Khadar Cabdisalaam Maxamed, Daahir Cusmaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar iyo Saciid Daroogo oo maqane ah.

Cabdisalaam Cusmaan Maxamed ayay sii daayey markii lagu waayey in uu galay wax dambi ah ka sokow uu ahaa walaalka Daahir kaasoo lagu sheegay in uu door weyn ku lahaa shaqada ay Al-Shabaab u hayeen.

Sida laga soo xigtay xeer-ilaalinta maxkamada ciidamadda, shaqsiyaadkan ayaa la sheegay in ay caasimada Soomaaliya ka dejiyaan maadooyinka laga sameeyo qaraxyadda.

Maadooyinka waxaa kamid ah MPK oo loo isticmaalo bac-raminta beeraha iyo mashiinka lagu jar-jaro biraha kaasoo loo isticmaali karo sameynta qaraxyadda, sida xeer-ilaalintu shaacisay.

Cabdisalaan ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeeyay in uu qaabilsan yahay hubinta tayada maadooyinka, halka Khadar "uu yahay xiriiriyaha soo-saaraha maadada kaasoo fadhigiisu yahay waddanka Shiinaha".

Sida ay sheegeen khuburo ammaanka ah, qaraxyada Al-Shabaab ayaa isbedel weyn uu ku yimid sanadihii lasoo dhaafay gaar ahaan awooda iyo baaxada ay leeyihiin khasaaraha ay ka geystaan goobaha ay ka dhacaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM