Maamulka Farmaajo oo muddo kordhin loo sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka baarlamaanka muddo xileedkiisa dhamaadey ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah wuxuu u coddeeyay in laba sano loogu kordhiyo maamulka Farmaajo.

Sida shir guddoonka iclaamiyey, 149 mudane oo ka qeybgalay kulanka maanta ayaa ogolaatay qaraarka mudada loogu kordhiyey dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay farmaajo.

Qaraarkaas oo nuqul kamid ah uu arkay  Garowe Online ayaa guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka wuxuu awood u siinayaa in ay doorashooyin qof iyo cod ku qabtaan muddo laba sano.

Sidoo kale, wuxuu hay'addaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo xafiiska jooga muddo laba bilood ka badan iyaddoo waqtiga ka dhamaadey wuxuu siinayaa fursad ay kusii shaqeyso muddo laba sano ah.

Talaabadda uu Aqalka Hoose mudada ugu kordhiyey maamulka Farmaajo oo ah mid aysan u dhameyn dhinacyadda kale ee siyaasadda sida maamulada ayaa kusoo aadey iyaddoo saamileyda ka digtay.

Hambalyadda Farmaajo

Villa Soomaaliya ayaa faafisay qoraal ay ku sheegeyso in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kusoo dhaweeyay talaabadda uu qaadey Golaha Shacabka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS," ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidda ku cad bayaanka, Farmaajo ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka," ayaa la raaciyey.

Saaxiibbada Soomaaliya ayuu uga mahadceliyey dadaalka ay la garab taagan yihiin sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray.

"Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya," ayuu kusoo xiray.

Qaraarka uu ansixiyey Golaha Shacabka ayaa la macno ah in gabi ahaanba meesha laga saarayo heshiiska 17-kii September, 2020 kaasoo madaxda Soomaalida uga heshiiyeen qabashada doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM