Golaha Wasiirada maamulka Jubaland oo la magacaabay

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dhowaad laba sano kadib markii dib loo doortey wuxuu saqdii dhexe ee xalay uu magaacabay xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada Jubaland.

Maxamed Warsame Darwiish ayaa kusoo laabtey xilkiisa wasiirka arrimaha gudaha, halka Cabdinaasir Seeraar, oo kamid ahaa mucaaradka Axmed Madoobe loo magacaabay wasiirka waxbarashada maamulka.

Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan ayaa loo dhiibay jagadda wasiirka amniga Jubaland, isaga oo bedelaya Cabdirashiid Xasan Nuur [Janan] kaasoo dhowaan uu xilka laga qaadey markii uu isku dhiibay dowladda.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubaland ayaa loo magacaabay Dr Mursal Maxamed Khaliif oo xilkiisa wasiirka caafimaadka loo dhiibay Maxamed Ibraahim Oogle, sida ku xusan wareegtadda.

Xildhibaan Xuseen Xersi Axmed ayaa, sidda ku xusan digreetadda uu arkay GO, waxaa loo dhiibay wasiirka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jubaland, isaga oo shaqadda ka bedelaya Cabdirashiid Jire Qalinle.

Wasiirka cadaaladda, Awqaafta iyo arrimaha diinta maamulkan xaruntiisa KMG tahay Kismaayo ayaa loo magacaabay Maxamed Yuusuf Cumar, halka Axmed Baraki Zubeer loo magacaabay wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Digreetadan ku taariikheysan 19-ka bishaan May kuna saxiixan yahay madaxwayne Axmed Maxamed Islam [Axmed Madoobe] ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay 23 wasiir ku xigeeno iyo shan wasiiru dowlayaal.

Hoos ka akhriso wareegtada magacaabida

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM