Rooble oo soo farageliyey qadiyadda askarta ee Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara kiiska askarta Soomaalida ah ee tababarka loogu diray waddanka Eritrea.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu xusay in guddiga baarayo "cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea".

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad.

Magacaabidan ayaa kusoo aadeysa xilli muddooyinkii u dambeeyay ay xoogeysteen baaqyadda ku wajahan wasiirka koowaad ee ku aadan in uu soo farageliyo kiiskan sida weyn loo dhowrayo.

Kadib markii Qaramada Midoobay ay xaqiijisay in askarta Soomaalida ay ka dirireen Eritrea, dowlada Soomaaliya waxay mar kale ganafka ku dhufatay sheegashadaas kuna sifeysay been abuur.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta, Cismaan Abuubakar Dubbe oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa xusay in musharaxiinta ay olole ku galayaan kiiskan.

Marka laga soo tago is-eedeynta siyaasiyiinta, shaki kuma jiro in askar Soomaali ah tababar si qarsoodi ah loogu diray Eritrea, hase ahaatee, waxaa xaqiijin u baahan in ay ka dagaalameen Tigray.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM