Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo yeeshay guddoon

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashada guddonka Guddiga maamulaya doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka oo Isniin ah ka qabsoontay SKY HOTEL oo deegaan ku meel gaar u ah Guddiga.

Musharixiinta xilka Gudoomiyaha waxa isku soo sharaxay jagada waxay kala ahaayeen;

1. Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed
2. Maxamed Cabdullaahi Isaaq

Xubnaha soo xaadiray waxay ahaayeen 11 xubnood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal.

Natiijada Doorashada oo ahayd mid si weyn loogu loolamay ayaa waxaa lagu waramay in ay noqotay;

- Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed waxa uu helay 10 xubnood, halka Maxamed Cabdullaahi isaaq uu helay 1 cod.

Tani waxay ka dhigan tahay in Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed uu noqday gudoomiyaha cusub ee Guddiga maamulka Doorashada koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shalay, kadib markii uu shalay Soo dhamaaday tababarkii usocday Guddiyada Doorashooyinka Dalka waxa uu Guddigu guda galay qabanqaabada doorashada Guddoonka Gudddiga oo ka qabsoomay Afisiyoone.

Maxamed Xasan Maxamed Cirro ayaa wareegii labaad loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ee 2020-2021

Halka doorashadii Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal, waxaa ku guulaystay Qareen Mawliid Mataan Salaad. Xubnahan waxay kamid ahaayeen kuwa muranka la geliyey dhexdhexaadnimadooda lana xiriiriyey Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM