​Guddiga doorashada oo Barri la shaacinayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha golaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiskiisa magaladda Muqdishu ku qaabiley Guddoonka Aqalka sare ee dalka ayagoo ka wada  hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada gole  isla markaana ay u dhexmari lahayd  wad shaqayn ku dhisan  horumarinta, midnimadda iyo  adkaynta Qaranimo Somalia.

Kulankaas ayaa Guddoonka labada aqalka isku raaceen in dhakhso loo sameeyo guddiga doorashada islamarkaana la shaaciyo maalinta barri ah oo taariikhdu tahay 24 January, 2017.

Guddiga  ayaa ka shaqeyn doonta doorashadda madaxweynaha hanaanka ay u dhacayso  iyo  ku dhawaaqida xiliga rasmiga ah  ee la qabanadda doorashadda madaxweynaha.

Dhanka kale,guddoomiyaha  golaha shacabka Soomaaliyeed  Mudane Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari)  ayaa xafiiskiisa qaabilay Jabriil  Ibraahim  Cabdulle oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka mdaxweynaha, waxayna  ka wada hadleen  arimha doorashadda madaxweynaha.

Mudane, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa  Musharax Jabriil Ibrahim Cabdule  gudoonsiiyey  buugaaga ay ku qoranyihiin taxanaha   doorashadda  golayashaaha  Sharci dajinta qaranka  laga soo bilaabo   sanadkii 1959-kii iyo  habraaca  iyo xeer hoosada u gaarka ah  doorashadda madaxweynaha soomaaliya.

GAROWENLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM