Guddoonka labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya oo ka dagey Garowe

Image

MUQDISHO,Soomaaliya- Gudoomiye-yaasha labada aqal iyo xildhibaano ka tirsan Barlamanada Soomaaliya ayaa ka dagay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe iyadoo halkaas ku soo dhoweeyeen saraakiil ka tirsan maamulkaas.

Safarkaan ay ku yimadeen mudanyashaan magaalada Garowe ayaa wararka sheegayaan in uu khuseeyo xubnahaan oo ka qayb galaya furitaanka Kalfadhiga 40aad ee Barlamanka Puntland kasoo furmaya 25 october, 2017.

Maxamad Cismaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ah markii ugu horeysay yimadaan Puntland ayaa la filayaa in kulamo la qaataan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda mamulkaas. Guddoomiye Jawaari oo muddo 8 sano ah madax ka ahaa aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka ayaa marnaba booqasho ku imaan Puntland.

Safarkaan ayaa yimid dhinaca kale xilii uu jiro khilaaf u dhexeeya Hay'adda fullinta dowlada Federaalka iyo maamulada Soomaaliya iyadoo la filayo in golayaasha kale qaataan door dib u heshiisiineed.

Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa dood uu maalmahaan ka lahaa khilaafka maamulada iyo madaxda hay'adaha fullinta ayaa maalintii shaley go'aansadey in guddi u saaraan xalinta khilaafkaan.

Madaxweynaha Puntland oo ah guddoomiyaha golaha ay ku midoobeen maamulada Soomaaliya ayaa la filayaa in kulamo la qaato labada Guddomiye iyo xildhibaanada labada aqal ee ku wehilaya safarkaan.

Dowlada Federaalka ayaa culeys kaga imaanayaa beesha caalamka iyo wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya kuwasoo lagu eedeyey in howlihii dolwada ku koobeen magaalo madaxda Muqdisho. 

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM