Guterres oo baaq cusub kasoo saarey doorashada Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Xoghayaha guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay go'aanadii Farmaajo iyo Aqalka Hosose ka qaateen muddo kororsiga iyo doorashooyinka.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Antonio Guterres, Qaramada Midoobay ayaa talaabooyinkaas waxay u aragtaa kuwa u adeegaya in dalku horey u socdo xalna laga gaaro is-mari-waaga jira.

Guterres ayaa ku tartarsiiyey hogaamiyeyaasha Soomaalida iyo daneeyeyaasha kale ee arrimaha siyaasadda waddanka in ay si deg-deg ah u wadahadlaan wada-ogolna uga gaaraan is-mari-waaga.

"Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Sabtidii soo dhoweeyay go’aanka golaha baarlamaanka Soomaaliya uu ku buriyay "Sharciga Gaarka ah ee Doorashooyinka Federaalka" kuna laabanayo qaababkii lagu sheegay heshiiskii Sebtember 17, 2020," ayuu yiri afhayeenkiisa.

Stephane Dujarric ayaa wuxuu ku daray: "Xoghayaha guud wuxuu mar kale ku celiyey baaqiisa ku wajahan dhamaan daneeyayaasha Soomaaliyeed in si deg deg ah dib loogu bilaabo wada hadalada lana sameeyo heshiis la isku afgarto oo ku saabsan qabsoomida doorashooyin loo dhan yahay oo aan dib u dhac dambe ku imaan. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay is afgarad sal balaaran oo loogu tala galay xasiloonida dalka".

Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii u codeeyay in la baabi’iyo sharciga muddo kordhinta ee 12-kii Abriil soo baxay isla markaana la kulmay cambaareyn caalami ah.

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Farmaajo oo kahor inta aan la codeyn ka hor hadlay Aqalka ayaa ka codsaday xildhibaanada in ay dib ugu laabtaan Sebtember 17, 2020, heshiiskaas oo ay isku raaceen dowladda federaalka iyo shanta hoggaamiye ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Farmaajo sheegay in heshiiskii Sebtember 17 ay si wada jir ah u taageereen madasha wadatashiga qaran "si dalka looga badbaadiyo xasillooni darrada siyaasadeed isla markaana si deg deg ah loogu wajaho doorashooyinka guud ee lagu heshiiyey".

Sharciga soo baxay 12-kii Abriil wuxuu Soomaaliya galiyay qalalaase siyaasadeed oo markii dambe dhabaha u xaarey dagaal dhacay Talaadada asbuucii hore dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM