Guterres oo diray warqad liddi ku ah dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

NEW YORK, USA - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee UN-ka wuxuu u diray warqad liddi ku ah wadamo ay ku jirto Soomaaliya, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Warqadan uu Antonio Guterres ku hagaajiyey Volkan Bozkir ayaa xeerineysa in Soomaaliya, Comoros, iyo Sao Tome ay wayn doonan xuquuqdooda cod-bixinta sababo ku aadan in aysan qoondadooda miisaaniyada UN-ka.

Balse, Guterres ayaa wuxuu daaha ka rogay goluhu wuxuu soo saaray qaraar sheegaya inay wali ka codayn karaan kalfadhiga hadda socda oo ku eg bisha Sebtember ee sanadkan 2021.

Iran iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo dhankooda lagu leeyahay qoondada miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankooda waxay lumin doonaan xuquuqdooda codbixinta ee Golaha Guud ee 193-ka xubnood, sidda ku xusan warqadan oo la faafiyey shalay ahayd Arbacadii 1-da bishan June, 2021.

Axdiga Qarammada Midoobay wuxuu dhigayaa in xubnaha deyntoodu ay le'eg tahay ama ka badato xaddiga tabarucaadkooda labadii sano ee ka horreysay ay lumiyeen xuquuqdooda codbixinta.

Laakiin sidoo kale wuxuu siinayaa Golaha Guud awood uu ku go'aamiyo "in ku guuldareysiga bixinta ay sabab u tahay xaalado ka baxsan xakamaynta xubinta"; haddii cudurdaarka uu sidaas noqdo waddanka wuxuu awood u sii yeelanayaan in uu ka coddeeyo fadhiyada qaar.

Sida ku xusan warqadda xoghayaha guud, lacagaha ugu yar ee loo baahan yahay si loo soo celiyo xuquuqda codbixinta waa $ 16,251,298 oo Iran laga doonayo iyo $ 29,395 oo ah Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Comoros waxay u baahantahay inay bixiso $ 871,632, Sao Tome and Principe $829,888, iyo Soomaaliya oo laga doonayo $ 1,443,640 si aysan u waayin xuquuqdeeda codbixinta wixii ka dambeeya bisha soo aadan ee September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM