​Guuleed oo amar soo rogay xilli Cadaado lagusoo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia- Madaxweynaha Barlamanka Galmudug sheegeen inay xilka ka qaadeen Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado iyadoo ay soo dhaweyn u sameeyeen mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda oo ugu horeey ku-xigeenkiisa.

Mar uu warbaahinta hadal kooban siiyay, ayuu sheegay inaysan u dulqaadan dooni khalkhal amni oo laga sameeyo deegaanada Galmudug, isagoo qaadacay go'aankii xilka looga qaaday.

Wuxuu xusay in maamulkan u baahnayn dhibaato, balse ay doonayaan in horay loo sii amba qaado hormarka ay hiigsanayaan.

Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ciidamada maamulkaasi amar ku siiyay inay dhaqan galiyaan xaaladd deg deg ah oo kusoo rogay deegaanada Galmudug.

Arrinta abaaraha ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inay dadka iyo duunyaduba dhibaataysanyihiin sidaas awgeed loo baahanyahay in  loo istaago sidii loo caawin lahaa bulshada.

Magaalada Cadaado ayaa saaka intii uusan gaarin Madaxweyne Guuleed waxaa ka dhacay banaanbax lagu taageeraayo go’aanka ay codka kalsoonida uga qaadeen xildhibaanada Barlamanka Galmudug.

Lama oga booqashada uu Cabdikariin Guuleed ku tegey Cadaado waxay ka bedeli karto xildhibaanada Barlamanka oo ku adkeysanaya inay doorasho Madaxweyne cusub qabanqaabinayaan.

Socdaalkiisan ayaa yimid xilli shalay 54 mudane xilkii ka qaadeen iyagoo Madaxweyne ku-xigeenka faray inuu sii daadihiyo howlihii dowladda.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Barlamanka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM