Haweenayda ku colaadisay Ilhaan taageero ay u raadineysay Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar iyo Dalia al-Aqidi ayaa ku dhawaaqay in ay u tartamayaan kursiga Aqalka Sare Mareykanka ee degaan doorashadiisu tahay gobolka Minnesota gaar ahaan degmada 5aad.

Tani ayaa waxay ka dhigan in ay ku baratami doonan kursigaas, iyagoo kala matelaya xisbiyadda Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.

Balse xifaaltankoodu ma ahan mid cusub, waxay leeyihiin sooyaal colaadeed oo kasoo bilowday Dalia al-Aqidi, wariye hore balse haatan xusul-duub ugu jirta in ay siyaasada lugaha lasoo gasho.

Xurguftooda ayaa soo shaac-baxday markii sanadkii hore ay Ilhaan Cumar magaalada New York si gaar ah kula kulantay Recep Tayipp Erdogan, madaxweynaha waddanka Turkiga.

Dalia al-Aqidi, oo ah Ciraaqi-Ameerikaan, ayaa waqtigaas ahayd wakiil-wareedka magaalada New York ee Talafishinka Sacuudiga laga leeyahay ee Al Carabiya.

"Waxay kawada hadleen maalgelinta iyo ganacsiga Turkiga ee Soomaaliya. Kawarama degmada 5aad ee Minnesota? Maxay ka yiraahdeen dhibaatada ganacsi ee Minneapolis?" ayay Dalia xiligaas tiri.

Kadib shirka, Dalia al-Aqidi ayaa waydiisatay Ilhaan wareysi ay su'aalo kaga waydiineyso ujeedada uu salka ku hayey is-aragaas. Ilhaan ayaa la sheegay in ay gebi ahaanba diidey wareysigaas.

Oor-kacsi

Iyaddoo u warantay Al Carabiya Tv, Dalia ayaa sheegtay in ololaheeda uu daaran yahay sidii ay meesha uga saari lahayd Ilhaan Cumar oo ay ku eedeysay "Ameerikaan-naceybnimo iyo taageerada cadow".

"Ilhaan waxay kasoo horjeesatay xulafada Mareykanka ee kala ah; Egypt, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta. Taas bedelkeeda waxay taageertay Iran, Turkey, iyo Qatar," ayay raacisay.

Waxay intaas ku dartay: "Aniga hadii la i doorto waxay difaaci doonaa qiyamka Mareykanka. Ihaan waxay adheecsan tahay Erdogan".

Dhanka kale, Ilhaan Cumar ayaa illaa iyo haatan si furan kaga jawaabin eedeymaha kaga yimid haweenayda ay tartanka kuwada jiraan.

Isbarbardhiga labadooda

Labadooda waxay ka siman yihiin in ay qaxooti ahaan ku galeen Mareykanka – Ilhaan ayaa Soomaaliya ka qaxday kadib dagaalkii sokeeye 1991-dii. Al-Aqidi ayaa Ciraaq kasoo carartay 1988-dii.

Siyaasad ahaan – Ilhaan waxa kasoo horjeesatay cadaadiska Donald Trump ee Iiraan iyo siyaasadiisa ku wajahan Bariga Dhexe, taas bedelkeeda Al-Aqidi waxay taageertay dhamaan arrimahaas.

Murashaxiintaan, oo lagu tilmaamay kuwa ugu cad-cad kursigaas, ayaa ka siman in ay kasoo jeedaan dalal siyaasad ahaan aad u hooseeya.

Sikastaba ha ahaatee, Ilhaan Cumar oo haatan xubin ka ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ayaa noqotay haweenaydii ugu horeysay ee Muslim ah isla markaana Soomaali ah ee Aqalkaas ku biirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM