HirShabelle oo u jawaabtay musharaxiinta madaxtinimada

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle - Maamulka HirShabelle ayaa Isniinta maanta ah wuxuu si xooggan ugu gacan-seyray walwalka ay ammaanka Beledwayne ka muujiyeen Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedkan xaruntiisa ay tahay Jowhar ayaa "wax lala yaabo" ku qeexay dhawaqa kasoo yeeray u tartameyaasha jagadda ugu sareysa ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo kamid ah mas'uuliyiinta warbaahinta kula hadashay magaalada, ayaa aaminsan in Beledwayne ay "ka ammaan wanaagsan tahay" goobo kale oo dalka kamida. 

"Beledwayne waa nabad waxay Soomaaliya tahay ayay tahay waliba waa ugu roon tahay," ayuu yiri. Wuxuu ku daray: "Beledwayne amni ma ahan way iska dhaheen maahinee waxay ula jeedaan ma istaahisho".

Musharaxiinta oo shalay ku kulmay caasimada Muqdisho ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan in aan wali xal loo helin caqabadaha dhanka ammaanka iyo siyaasadda ee wali ka jira gobolka Hiiraan.

Beledwayne ayaa kamid ah degaan doorashooyinkii labadda ah ee la qorsheeyay in lagu soo xulo mudaneyaasha soo aadan ee Soomaaliya, iyadda oo Jowhar ay noqneyso goobta labaad ee lagu soo xulayo Xildhibaanada.

Gobolka Hiiraan waxaa isku haya jabhad uu leeliyo Jeneraal Caraale iyo madaxda HirShabelle. Sarkaalkan wuxuu ka gadoodsan yahay is-hortaag Villa Soomaaliya ku sameysay in uu u tartamo hogaanka dowlad goboleedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM