HirShabelle oo u jawaabtay musharaxiinta madaxtinimada

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle - Maamulka HirShabelle ayaa Isniinta maanta ah wuxuu si xooggan ugu gacan-seyray walwalka ay ammaanka Beledwayne ka muujiyeen Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedkan xaruntiisa ay tahay Jowhar ayaa "wax lala yaabo" ku qeexay dhawaqa kasoo yeeray u tartameyaasha jagadda ugu sareysa ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo kamid ah mas'uuliyiinta warbaahinta kula hadashay magaalada, ayaa aaminsan in Beledwayne ay "ka ammaan wanaagsan tahay" goobo kale oo dalka kamida. 

"Beledwayne waa nabad waxay Soomaaliya tahay ayay tahay waliba waa ugu roon tahay," ayuu yiri. Wuxuu ku daray: "Beledwayne amni ma ahan way iska dhaheen maahinee waxay ula jeedaan ma istaahisho".

Musharaxiinta oo shalay ku kulmay caasimada Muqdisho ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan in aan wali xal loo helin caqabadaha dhanka ammaanka iyo siyaasadda ee wali ka jira gobolka Hiiraan.

Beledwayne ayaa kamid ah degaan doorashooyinkii labadda ah ee la qorsheeyay in lagu soo xulo mudaneyaasha soo aadan ee Soomaaliya, iyadda oo Jowhar ay noqneyso goobta labaad ee lagu soo xulayo Xildhibaanada.

Gobolka Hiiraan waxaa isku haya jabhad uu leeliyo Jeneraal Caraale iyo madaxda HirShabelle. Sarkaalkan wuxuu ka gadoodsan yahay is-hortaag Villa Soomaaliya ku sameysay in uu u tartamo hogaanka dowlad goboleedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM