HirShabelle oo qaadacdey shirka doorashada ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa ku gacanseyray ayaa ka qeybgalka HirShabelle, sida ku xusan qoraal kasoo baxay Madaxtooyada maamulkan xaruntiisu tahay Jowhar.

Qoraalkaas oo lagu faafiyey barta Facebook ayaa lagu caddeeyay in aysan khuseyn go'aan kasta oo kasoo baxay balse ma aysan shaacin sababta dhabta ah oo ay u qaadaceen ka qeybgalka shirka.

Sida ku xusan war-saxaafadeedkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, maamulkan uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ayaa ku adkeysanaya fulinta heshiisyada laga gaarey coddeynta. 

"Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka,  Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan  talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii  kasoo baxa ma noqon doonaan  wax quseeya Dowladda Hirshabeelle".

"Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

HirShabelle ayaa kamid ah maamulada ka jira waddanka ee taabacsan siyaasadaha maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo, waxaana Cali Guudlaawe uu haatan ku sugan yahay dalka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM