HirShabelle oo qaadacdey shirka doorashada ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa ku gacanseyray ayaa ka qeybgalka HirShabelle, sida ku xusan qoraal kasoo baxay Madaxtooyada maamulkan xaruntiisu tahay Jowhar.

Qoraalkaas oo lagu faafiyey barta Facebook ayaa lagu caddeeyay in aysan khuseyn go'aan kasta oo kasoo baxay balse ma aysan shaacin sababta dhabta ah oo ay u qaadaceen ka qeybgalka shirka.

Sida ku xusan war-saxaafadeedkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, maamulkan uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ayaa ku adkeysanaya fulinta heshiisyada laga gaarey coddeynta. 

"Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka,  Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan  talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii  kasoo baxa ma noqon doonaan  wax quseeya Dowladda Hirshabeelle".

"Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

HirShabelle ayaa kamid ah maamulada ka jira waddanka ee taabacsan siyaasadaha maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo, waxaana Cali Guudlaawe uu haatan ku sugan yahay dalka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM