Hogaanka Soomaalida oo mar kale ku shiraya Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Soomaalida ayaa lagu waddaa in 26-ka June, 2021 ay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ku yeeshaan shir gaar ah, sidda ay warbixinadda tibaaxayaan.

Kulankan waa natiijo kasoo baxdey wadahadalo ay habeenimadii Isniinta aalada fogaan araga ee Zoom-ka ku dhexmaray ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo madaxda maamulada.

Sida uu baahiyey telefishinka ku hadla afka dowlada Jubaland, wadaxaajoodyada soo aadan ee Muqdisho waxaa diirada lagu saarayaa "dardargelinta arrimaha la xiriira qabsoomida doorashadda.

"Kulan caawa aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka kudhex maray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxwaynayaasha Dowlad Goboleedyada, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu go’aamiyay in kulan wadatashi ah lagu qabto Magaalada Muqdishu, si lo dardargeliyo arrimaha la xiriira qabsoomidda doorashada Dalka," ayaa lagu qoray Facebook-ga Jubaland Tv.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Shirka ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Muqdishu ka furmo maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 26 June 2021, Waxaana uu dhexmari doonaa Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir".

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la shaaciyey liiska guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer maamul goboleed, iyo guddiyada maamulada xulista wakiilada Somaliland.

Ma cadda haddii kulankan uu yahay mid ay horey ugu balameen madaxda ama in ay isku raaceen ka gedaal markii ay soo baxeen daldaloolo maadaama su'aallo ka dhasheen shax la baahiyey.

Shaxda la baahiyey oo ku saabsan qaabka maamulka doorashooyinka waxaa ka muuqdey in coddeynta ka dhaxeysa Garbahaarey aysan maamuleyn Jubaland ayna si toos ah u hoos-tageyso Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM