Horjooge katirsanaa Al Shabaab oo dowladda Somalia isu-soo dhiibay

Image

GARBAHAREY, Somalia- Horjooge sare oo katirsan Kooxda Al shabaab oo lagu magacaabo Maxa'ed Cabdullaahi Xaaji (Cirro) ayaa isku dhiibay maamulka degmada Garbahaarey ee dowladda federaalka Somalia.

Cirro, ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa madaxa Canshuuraha Al Shabaab ee Tuulo-Barwaaqo, oo ku dhaw magaalada Garbaharey, ee xarunta gobolka Gedo.

Wararka Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Maxa'ed Cabdullaahi Xaaji, uu kala soo goostay Kooxda Al Shabaab lacag aad u badan, maadaama uu ahaa ninka u qaabilsan Maaliyadda iyo Canshuuraha.

Xogtu, waxay intaas ku daraysaa in ninkan dhowr jeer oo hore qorshaynayay sidii uu kooxda ugasoo bixi lahaa, sida uu u sheegay saraakiisha Amniga.

Saraakiisha maamulka Garbahaarey iyo shacab badan ayaa si aad ah usoo dhaweeyay xalay Maxa'ed Cabdullaahi Xaaji (Cirro), sida ay sheegayaan wararka aan helayno Illo-wareedyo ku sugan Garbahaarey.

Wali Kooxda Al shabaab kama aysan hadlin wararka ku saabsan Goosashada Madaxii Canshuuraha Tuulo-Barwaaqo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM