ICJ oo muddeysay xiligga ay dhageysaneyso dacwadda badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa muddeysay in ay dhageysan doonto kiiska badda inta u dhaxeysa 8-da illaa iyo 12-ka bisha June ee sanadka 2020-ka.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa wuxuu xaqiijiyey warkan.

Soomaaliya ayaa horey ugu adkeystay in gal-dacwadeedkan la qabto 4-ta illaa iyo 8-da bisha November kadib codsi ka yimid Kenya oo ku aadan in hal sano dib loo dhigo.

"Kani waa go’aanka ugu dambeeya," ayuu yiri Khadar, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha magaaladda Muqdisho.

Balse, ICJ oo dib u dhigtay dhageysiga ayaa mar kale ogolaatay codsiga Kenya, inkasta oo aysan wada waafuqin guud ahaan dalabka.

Kolkii hore wuxuu qorsuhu ahaa in la dhageysto 4-ta December, balse waxaa baajiyey markii ay Kenya dalbatay in la siiyo waqti ay kusoo qorato qareeno difaaca doodeeda.

Xukuumadda Nairobi oo soo jeedisay in wada hadal lagu dhameeyo kiiskan ayaa horey waxay u codsatay in dhageysiga galkan dib loo dhigo muddo ku suntay hal sano, taasoo laga diidey.

Gal-dacwadeedkan oo soo bilowday bishii August ee 2014-kii ayaa ku saabsan goob ku taala xadka labadda dal halkaas oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraad sida Shidaalka iyo Gaaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM