IGAD oo Waare u magacaawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee ururka

Image
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare ayaa dhawaan xil laga qaaday.

JABUUTI (GO) - Urur Gobolleedka IGAD ayaa u magacaabey Maxamed Cabdi Waare Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee ururka, ka dib kulan ay Hogaamiyayaasha Urur Goboleedka IGAD maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay magacaabistan ayaa ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

Wasiirka ayaa yiri: “Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey dowladda Soomaaliya, magacaabistiisa ayaa waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo caalamka”

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare ayaa dhawaan laga qaaday xilka ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM