Ikraan oo laga cabsi qabo in loo waayo "sidii Jamal Khashoggi"
MUQDISHO, Soomaaliya – Jeneraal Cabdalla Cabdalla, taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, madaxii amniga internet-ka ee NISA taasoo la la’yahay 15-kii maalmood ee lasoo dhaafay.
Cabdalla oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka dhawaajiyey in uu ka cabsi qabo in Ikraan loo waayo sidii Jamal Khashoggi, saxafigii reer Sacuudi ee safaaradda Riyadh ee Istanbul lagu khaarijiyey October, 2018-kii.
Sida laga soo xigtay Jeneraalka oo NISA looga eryay khilaaf kala dhaxeeya hogaanka hay’adda darteeda, Ikraan waxay "ku dhex-maqan tahay gudaha xabsiga weyn ee Godka Jilacow".
"Ikraan Tahliil waa in ay caddaalad heshaa, waxay ku dhex maqan tahay xarunta NISA ee Godka Jilacow. Waxaan cabsi weyn ka qabaa in sidii Jamal khashuqji aysan dib danbe uga soo bixin Godka Jilacow. Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis shalay ayay Xamar kusoo laabteen kadib 15 maalin isasoo mashquuliyeen," ayuu yiri Cabdalla oo qoraalkiisa daabacay Talaadadda maanta ah.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin kiiska. Isku-dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay si uu ula xiriiro hogaanka hay’adda NISA ayaa looga jawaabay aamusnaan.
Waa tuma Ikraan Tahliil Faarax?
Ka sokow in ay ahayd madaxa amniga internet-ka ee NISA, Ikraan ayaa horey waxay ula soo shaqeysay guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqa Muqdisho, Injineer Yariisow kaasoo ay maleyshiyadda Al-Shabaab ku khaarijisay ismiidaamin.
Dhalinyaradda dalka dibadiisa wax kusoo bartay ee waddanka kusoo laabtey si ay uga shaqeeyaan ayay kamid ahayd. Saaxiibadeed waxay Garowe Online u sheegeen in ay ahayd qof aad u dedaal badan oo nolosha hami sarre ka lahayd.
Hooyadeed Qaali Maxamed Guhaad oo shalay kasoo muuqatay warbaahinta ayaa cod dheer waxay ku dalbatay in ay laga caawiyo sidii loo nolol loogu heli lahaa Inanteeda ay jeclahayd. Qaali waxay Turkiga uga timid baadigoobka Ikraan.
Warsidaha Garowe Online ayaa arkay muuqaal CCTV ah oo muujinaya in gaari ay leedahay hay’adda NISA uu Ikraan ka saarayo gurigeeda. GO ma baahin karo muuqaalkaas sababo la xiriira xaalado dhanka ammaanka qoyska Ikraan darteeda.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli waddanka uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo dhanka doorashooyinka ah. Hay’adda NISA waxay kamid tahay dhinacyadda lagu eedeynayo in ay faragelin ku haayaan doorashadda si gaar ah xulista Xildhibaanadda.
GAROWE ONLINE