Ikraan Tahliil oo la sheegay in lagu "dhex-dilay" xarunta NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in la khaarijiyey Ikraan Tahliil Faarax, madaxii ammaanka internet-ka ee NISA.

Sida laga soo xigtay Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, Ikraan ayaa "la khaarijiyey habeenkii 26-ka June oo gurigeeda lagala soo baxay".

Jananka oo liiska hay'adda uu ka saarey hogaanka haatan jooga ayaa aaminsan in amarka dilka uu bixiyey Fahad Yaasiin Daahir, agaasimaha guud ee NISA kaaoso 27-kii June u baxay Qadar.

"Xogo kala duwan waxay ii xaqiijiyeen in Ikraan Tahlil la khaarajiyay habeenkii 26-ka June Amarka dilkana uu bixiyay Fahad Yasin aka Abu Camar, Fahadna uu safray maalintii xigtay 27-June 2021 meydkeedana lagu soo duugay magaalada bannaankeeda..Allah ha u naxariisto walaasheen Ikraan ehelkeeda oo uu ugu horreeyo Aabe Dr Tahlil iyo Hooyo Qaali iyo dhammaan qaraabada Allah ka samirsiiyo, Ayadana Allah ka waraabiyo Janatul Firdowsa," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Cabdalla Cabdalla oo faafiyey muuqaal CCTV oo ah goortii lagala baxayey guriga ayaa ku daray: "Dhiig ma qarsoomo, cadaalada illahayna waa loo simanyahay. Qof la khaarajiyo kuma xalismayso mushkiladda Soomaaliya".

"RW Rooble , wasiirkiisa caddaaladda iyo maxkamadda ciidanka waxaa horyaala tijaabo culus, in gabar ciidanka qaranka ka tirsan loogu dhex khaarajiyo xarunta NISA amarka agaasimaha waa arin taabanaysa Farmaajo iyo Rooble. Waxaan sugaynaa tallabada xigta," ayuu xusay.

Wuxuu kusoo xiray hadalkiisa: "Fahad, Kulane Jiis iyo inta ku gacan siisay falkaan foosha xun waxaan leeyahay meydka gabadha iska keena, ha aastaan ehelada gabadha si waafaqsan shareecada Islaamka".

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashadda Jeneraalka. Dhanka kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo waliba hay'adda NISA ayaan wali ka jawaabin wararka kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM