Intee la egyahay Khasaaraha weerarka Al-Shabaab ee Balcad?

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar kedis ah ku qaadey degmada Balcad, oo qiyaastii 35-KM dhanka waqooyiga uga beegan magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Dagaal ku dhawaad hal saac socday iyo duqeymo ayaa ka dhacay degmada, kuwaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, oo labada dhinac iyo dadka shacabka soo gaarey.

Sarkaal u hadlay militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in 9 xubnood oo kamid ah Al-Shabaab inay ku dileen dagaalka, islamarkaana ay jiraan 5 qof oo shacab ah oo ku dhintay colaadda.

Mudo kooban oo daqiiqado ah ayay Al-Shabaab la wareegtay gacan ku heynta magaaladda, kadib markii ay isaga baxeen Ciidanka dowladda, kuwaasoo markii dambe inta dib isku soo abaabuley la wareegay.

Weerarkan ayaa muujinaya awoodda Al-Shabaab ay u leedahay inay qabsan karto meelaha dowladda maamusho, iyadoo Kooxda mudooyinkii dambe labo jibaartay weerarada xili dalka ku jiro jahwareer doorasho iyo mid siyaasadeed.

Madaxda dowladda ayaa iyaga isku mashquulsan, waxaana taas fursad u noqotay Al-Shabaab mar hadii laga joojiyay cadaadiskii militeri iyo duqeymaha Mareykanka oo u diidi jiray Kooxda inay soo abaabusho weerarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo walaac ka qaba xaaladda Soomaaliya, digniinna u diray Xasan Sheekh

Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay si degdeg ah u soo saaraan qorshe doorasho oo cad.

  • Soomaliya

    14-04-2026

  • 11:39AM

Mudo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo dhamaaday iyo Xildhibaano is-casilay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna uga hartay mudo-xileedkiisa 31 maalin, iyadoo aan muuqan dadaallo uu wado oo doorasho ku qabanayo.

  • Soomaliya

    14-04-2026

  • 11:06AM