Isku shaandheyn lagu sameeyay taliyeyaasha booliska Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu isku shaandheyn kooban uu ku sameeyay taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee xoogaga dowlada feeralaka ah.

Isku shaandheynta oo uu sameeyay taliyaha bileyska, Cabdi Xasan Xijaar, ayaa waxaa nan sharaxaad laga bixin sababta keentay, wallow uu horey uga dhawaajiyey inuu sameynayo.

Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkenlay.

Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar (Mahad Korow) ayaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.

Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo horay u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde

Taliyaha Birmadka ciidanka boliiska ayaa loo magacaabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed

Taliyaha Daraawiishta booliiska ayaa waxaa laga dhigay Gashaanle sarre Cabdulaahi Mire Siyaad

Taliyaha qaybta Galbeed ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa loo magacaabay Maxamuud Xuseen.

Ugu dambeyntii, taliyaha Laanta Socotada Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa loo xushay Cabdirashiid Aadan Xirsi.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo todobaadkan la xusay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii uu Muqdisho ka dhacay qaraxii dhimashada badan dhaliyey ee 14-ka October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM