Isku shaandheyn lagu sameeyay taliyeyaasha booliska Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu isku shaandheyn kooban uu ku sameeyay taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee xoogaga dowlada feeralaka ah.

Isku shaandheynta oo uu sameeyay taliyaha bileyska, Cabdi Xasan Xijaar, ayaa waxaa nan sharaxaad laga bixin sababta keentay, wallow uu horey uga dhawaajiyey inuu sameynayo.

Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkenlay.

Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar (Mahad Korow) ayaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.

Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo horay u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde

Taliyaha Birmadka ciidanka boliiska ayaa loo magacaabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed

Taliyaha Daraawiishta booliiska ayaa waxaa laga dhigay Gashaanle sarre Cabdulaahi Mire Siyaad

Taliyaha qaybta Galbeed ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa loo magacaabay Maxamuud Xuseen.

Ugu dambeyntii, taliyaha Laanta Socotada Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa loo xushay Cabdirashiid Aadan Xirsi.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo todobaadkan la xusay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii uu Muqdisho ka dhacay qaraxii dhimashada badan dhaliyey ee 14-ka October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM