Isreeb-reebka Koobka Adduunka: Soomaaliya & Algeria oo caawa ciyaari doona

Image

ALGIERS (GO) - Xulalka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa caawa kulan la ciyaari doono dhiggiisa Algeria, ciyaartan oo qeyb ka ah Isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 qeybta Qaaradda Afrika.

Kulankan ayaa dhici doona 7:00 PM, waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Mandella Stadium ee ku yaalla caasimadda dalka Algeria.

Waa markii ugu horeysay oo ay tartan rasmiya ku kulmayaan labada xul, waana markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ciyaareyso wareega group-yada ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.

Soomaaliya weligeed hal jeer oo kaliya ayeey badisay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka waxeyna aheyd sanadkii 2019 markii uu xulka 1-0 uga adkaatay Xulka Zimbabwe.

Xulka Algeria ayaa ku jirta kaalinta 33-aad ee Qiimeynta FIFA, halka Soomaaliya ay ku jirto booska 196-aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM