Jaamacadda Carabta oo shaacisay mowqifkeeda shirka Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuu Al-Qeyd, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada Madaxweynaha Jabuuti, Ismacil Cumar Geelle, uu ku martigaliyey wadahadalkii Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

14-kii bishaan June sanadka 2020 ayay bilowdeen wada-xaajoodyadda oo qaatay muddo afar maalmood ah oo si weyn loo doodey.

Abuu Al-Qeyd ayaa dhambaal uu u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan wadahallada.

Madaxweyne Farmaajo ayuu u xaqiijiyey taageerada Jaamacadda Carabta ay la garab taagantahay Soomaaliya iyo ka miradhalinta dadaalkan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu balanqaaday inay sii wadi doonaa gacan ka geysiga arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya si ay shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himilooyinka ay hiigsanayaan.

Xoghayaha ayaa ku tilmaamay tallaabo "yididiilo leh", isaga oo sheegay in Jaamacadda Carabtu ay kaalin weyn ka qaadaneyso dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa.

Dhambaal qoraal ah oo uu u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayuu ku bogaadiyey gogosha uu fidiyey, iyada oo Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda buuxda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dadaal kasta ku bixiyaan kamiro dhalinta hanaaankan wadahadallada.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay sare u qaaddida taageerada Jaamacadda Carabta u hayso Soomaaliya iyo dadaalada iskaashiga isdhexgalka Gobolka.

Sikastaba, Shirka lagu soo gabagabeeyay Jabuuti waxaa xigi doono kulamo kale oo la filayo in ay bilowga bisha dambe ka dhacaan isla Jabuuti, kuwaas oo looga arrin-sanayo qodobo leysku fahmi waayey oo ay kamid yihiin; isu socodka labadda dhinac iyo maamulka hawada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM