​Jadwalka jeedinta khudbadaha murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo la shaaciyay

Image

MUQDISHU,Somalia- Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan qaabka murashaxiinta khudbadahooda uga hor jeedinayaan Xildhibaanada Barlamanka labad aqal ee dalka.

Khudbadaha oo bilaaban doona 02 February, 2017 ayaa murashaxiinta waxaa loo qaybiyay saddex dufcadood oo ka kooban min sideed murashax.

Warqad uu ku saxiixanyahay Cabdiraxmaan Ducale Bayle ayaa lagu sheegay in murashax kasta 24 saac kahor soo gudbiyo khudbadiisa oo qoraal ah,

Tallaabadan ayaa timid xilli maanta la joojiyay dooda murashaxiinta Madaxweynaha Somalia oo ay kusoo bandhigi lahaayeen waxqabadkooda taasoo keentay in murashaxiintu dhaliilaan guddiga doorashada. Dodaad ayaa dadweynaha loo marin lahaa warbaahinta qaab toos.

Balse, Cabdiraxmaan Ducaale oo ka hadlayay arrintaas wuxuu sheegay in gabi ahaanba la laalay qorshaha warbaahinta loo marin lahaa waxqabadka murashaxiinta Madaxweynaha Somalia isagoo go'aankaas u cuskaday inay ka cabsi qabaan habsan ku yimaada howlaha doorashada.

08 Febreuary ayaa lagu wadaa inay qabsoonto doorashada Madaxweynaha dalka oo ay u taaganyihiin 24 mudane, waxaana Muqdishu kasocdo loollan loogu jiro kursigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM