John Mahama oo ka laabtey aqbalida magacaabida AU-da
ACRA, Ghana - John Mahama ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ku dhawaaqay ka laabtay ogolaanshiyaha in uu noqdo ergayga gaarka ah ee ururka Midowga Afrika ee arrimaha xalinta khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.
Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay markii Madaxtooyada Soomaaliya iyo maamulka waqtiga ka dhacay Farmaajo uu u qaadacdey madaxweynihii hore ee Ghana sababo la xiriira "in uu gacansaar la leeyahay Kenya".
Muqdisho, oo aan soo bandhigin caddeymo ku saabsan eedeynta ay u jeedisay Mahama, iyo Nairobi ayaa waxaa ka dhaxeysay xiisad diblumaasiyadeed iyo dacwad badeed hortaala maxkamadda ICJ.
Sida ku xusan war-saxaafadeed lagu daabacey bogga Internet-ka ee Mahama oo ah warqad loo diray guddoonka AU, go'aankan lama filaanka ah wuxuu salka ku hayaan taageero la'aanta dhanka dowladda federaalka ah.
"Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa in uu noqdo wakiilka Midowga Afrika ay si wada jir ah u soo dhoweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, iyo Isbaheysiga Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, wuxuu ku sheegay warqadiisa wargelinta ee uu u diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, in taageero la’aanta Dowladda Federaalka ay khatar gelin karto howlaha oo dhan ayna wiiqayso rajada dunida ka qabto inuu nabad ku soo dabaalo dhulka sharafta leh ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo uu Mahama ugu mahadceliyey madaxda Midowga Afrika in ay u xusheen doorkan cusub.
Ma cadda haddii Midowga Afrika uu gabi ahaanba meesha ka saari doono ergayga ama in ay soo magacaabi doonan wakiil cusub wallow dowlada Soomaaliya ay dalbatay in ay dib loo dhigo howlgelinta diblumaasiga.
Sidoo kale, dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay diidmadeedda John Mahama waxay u cuskatay in fursad la siiyo dedaalada uu horkacayo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta oo uu kamid yahay shirka la muddeeyay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Villa Soomaaliya ay dooneysay lasoo magacaabo Hailemariam Desalegn Boshe, ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya isla markaana ay Mahama ka dhex-weyday danaheeda doorashooyinka.
Wadahadalada ayaa qorshuhu ahaa in ay Muqdisho ka bilowdaan 20-ka May hase ahaatee waxaa dib-u-dhigay "arrimo farsamo" iyo madaxda qaar oo "sababo shaqo waqtigii la qorsheeyay ku gaari waayey magaala madaxda".
GAROWE ONLINE