Jubaland iyo Puntland oo naqdiyey muddo kordhinta Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Jubaland iyo Puntland ayaa meel adag waxay iska taageen ku darsiga labada sano ee uu ku dhaqaaqay maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu gabi ahaanba idlaadey ee Farmaajo.

Qoraalo kala duwan oo kasoo baxay Madaxtooyadda maamul ayaa lagu caddeeyay in aysan marnaba taageeri doonin talaabadan.

"Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka," ayaa lagu qoray barta Facebook ee Madaxtooyada Jubaland.

Jaamac Dabraani, afhayeenka Madaxtooyadda Puntland oo "sharci darro" ku qeexay dheereysiga, ayaa xusay in mowqifka maamulkiisa oo fahfaahsan uu dib kasoo bixi doono. Ma shaacin waqtiga ay ku dhawaaqayaan.

"Dowladda Puntland way ka xuntahay wixii maanta dhacay, waxay ahayd tillaabo sharci daro ah oo uu qaaday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DFS ee wakhtigu ka dhammaaday. Puntland dib ayeey ummada Soomaaliyeed ulasoo wadaagi doonta mowqifkeeda la xiriira wixii maanta dhacay," ayuu Dabraani yiri.

Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugan caasimadda waddanka ee Muqdisho, iyagoo ka qeybgalay wadahadalo la doonayey in lagu soo afjaro is-mari-waaga ka taagan doorashada.

Doorashadda madaxweynaha Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoonto 8-dii Febraayo. Balse, ma aysan dhicin sababo la xiriira in madaxdu ku heshiin weyday qaabka loo qabanayo arrintaasoo jahwareerka meel sarre gaarsiisay.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM