Jubaland oo aqoonsatay shirka uu ku dhawaaqay Rooble

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamul goboleedka Jubaland ayaa ku dhawaaqay in uu ka qeybgalayo shirka uu iclaamiyey Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble kaasoo qorshuhu yahay in uu dhaco 20-ka bishaan Maajo sanadkan aan ku jirno 2021-ka.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxwayne ku xigeenka koowaad ee Jubaland oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa daaha ka rogay in uusan wax iska bedeli doonin ciidamada gaarka ah uu Axmed Madoobe iska soo horumarin jiray kahor safarka Muqdisho.

"Taasi haddii ay amni darro ama nabad jirtaba way dhaceysaa maxaa yeelay waa ciidanka ilaaladda gaarka ah ee madaxda," ayuu ku daray markii su’aal arrintaas la xiririta la waydiiyey.

Mr Aadan oo ku adkeystay in doodahooda ay kusoo bandhigi doonan miiska wadahadaladda ayaa hoosta ka xariiqay in ay ku rajo weyn yihiin in shirka soo aadan lagu xaliyo arrimaha ugu waaweyn ee khilaafka ka taagan yahay sidda ciidanka Farmaajo geeyay Gedo.

Sida laga soo xigtay Aadan, ra'iisul wasaare Rooble maadaama uu la wareegay qorshaha guud ee ammaanka guud ee qaranka waa in uu bixiyaa amarka lagu soo saarayo ciidamadaas uu maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ku daabulay gobolka Gedo.

"Markii hadii ay shaqeyn weyday nin-tooxsiga, shirqooladii siyaasadeed iyo in laga sii shaqeeyo natiijadda kasoo baxeysa doorashadda, waxaan rajeynaynaa in shirka uu guuleysto," ayuu ku daray Axmed, isagoo soojeediyey in danta shaqsiga laga horumariyo dan guud.

Kadib markii Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu laalay sharciga muddo kororsiga loogu sameeyay taliska Farmaajo dibna loogu laabtey heshiiska 17-kii September, xukuumada xilgaarsiinta ayaa la wareegtay geedi-socodka maamulka iyo ammaanka doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM