Jubaland oo diidey xubnaha loo xulay maamulka Garbahaarey

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe [Photo: JSH]

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland ayaa ganafka ku dhufatay afarta xubnood ee guddiga xalinta xiisada gobolka Gedo u soo xuleen maamulka degmada Garbahaarey, sida uu fahansan yahay bogga Garowe Online.

Sida ay muujinayaan macluumaadyadda, Jubaland ayaa laba xubnood ku kordhisay musharaxiinta, waxaana ay u gudbisay xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya, Injineer Maxamed Xuseen Rooble.

"Diidmadda waxay ka timid hogaanka Jubaland iyo dadka kasoo jeeda gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo. Lama ogga xudunta naqdinta. Balse, waxay u badan tahay in afarta xubnood ee lasoo xulay ay yihiin kuwa daacad u ah Villa Soomaaliya," ayuu yiri dadka uu warsidaha GO ka sheekeystay kuwaas oo si dhow ugu xog-haya qadiyadan xasaasiga ah.

Guddiga xalinta xiisada Gedo oo Rooble magacaabay isagoo tixraacaya heshiiska 27-dii May ee madaxda Soomaalida ayaa 14-kii July, 2021 waxay gaareen Garbahaarey halkaasna kula kulmay dadka degaanka.

Safarkooda ayaa yimid maalin kadib markii Rooble oo Garbahaarey tagay 10-kii July, 2021 uu kusoo laabtey caasimada Muqdisho. Intii uu magaalada joogay, wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay odayaasha dhaqanka.

Hase ahaatee, waxaa jira warar sheegaya in odayaasha uu la kulmay Rooble ay ahaayeen kuwa kaliya taageersan Villa Soomaaliya isla markaana albaabadda laga soo xirtey kuwa kale ee aragtida dowladda diidan.

Qadiyada gobolka Gedo iyo xulista wakiilada gobolada waqooyi ayaa ah arrimaha daahiyey doorashooyinka Soomaaliya, iyaddoo siyaasiyiinta Somaliland ay Rooble ku eedeeyay "in uu ka baxay dhexdhexaadnimada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM