Jubaland oo ka falcelisay qoraalkii muranka dhaliyey ee Mareykanka

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamulka Jubaland ayaa ka falcelisey qoraalkii kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxyar kahor war-murtiyeedkii laga soo saarey wejiga saddexaad ee wadahadalada Dhuusamareeb3.

Wasiirka warfaafinta maamulkan uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa meesha ka saarey in Puntland iyo Jubaland ay noqon karaan "qas-wadayaal" taas bedelkeedna ay ku taagan yihiin sharciga.

Mr Cabdi Xuseen ayaa ku nuux-nuuxsaday in cidda qaswade noqon karta ay tahay madaxda kasoo horjeeda ku dhaqanka dastuurka wadanka.

"U maleyn maayo hadda wax Soomaali ah oo labadooda [Puntland iyo Jubaland] ku macneenaya labadooda [maamulada] waa labada mar walba difaaca dadka sharciga ku xadgudubka ama madaxda ku xadgudubta mar walbana diida oo u taagan [in ay ka dhiidhiyaan] cid kasta oo shuruucda ku xadgudubta; hadii dastuurka ku meelgaarka ah lagu wada dhaqmi lahaa cid ka doodi lahayd ma jirto, cid xaq u lahaan lahayd in ay wax diido ma jirto; heshiisyadda ama go'aanada siyaasadeed ee la gaaro hadii lagu dhaqmi lahaa Jubaland iyo Puntland ma diidi lahayn, cidda diidana waa la og-yahay waligoona laguma tilmaamin, anigana kuwa leh ma maqal; una maleyn maayo in uu hadda Mareykan dhahayo arrintaas," ayuu u sheegay idaacadda BBC-da qeybta Soomaaliga.

Mr Xuseen oo sii hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay in ay kalsooni ku qabaan in talaabooyinka ay qaadayaan waafaqsan yihiin sharciga.

Dhanka kale, mar wax laga waydiiyey heshiisyada uu Farmaajo ka saxiixdey hogaanka Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir ayuu caddeeyay in maamulkiisa uusan qeyb ka ahayn.

"Go'aanka marka ay shiraan xubnaha Golaha Wasiiradda Jubaland ayuu soo bixi doonaa," ayuu ku yiri wareysiga oo socday afar daqiiqo.

Heshiiskan aan ku imaan wadar-ogolka isla markaana ay ka muuqdaan danaha muddo kororsiga Villa Soomaaliya iyo nooca doorasho ee ay dooneysay ayaa calaamad su'aal la gelinayaa qaabka uu ku dhaqan-gelayo.

Puntland iyo Jubaland oo kamid ah degaanada doorashooyinka ka qabsoomayaan ayaa ka qeybgalka DhuusamareebIII u diidey "maadaama Farmaajo khudbadiisa baarlamaanka ku muujiyey in aysan socon doonin wuxuusan rabin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM