Jubaland oo ka hadashay dib-u-celinta lataliyaha Farmaajo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowlada Jubaland ayaa si rasmi ah waxay u fahfaahisay soo celinta Khamiista maanta ah ee diyaaraddii uu la socdey Cali Cabdi Raage, taliyaha doorashada Farmaajo taasoo loo diidey in ay ka degto Kismaayo.

Sadiiq Maxamed Dhabar, taliyaha booliska qeybta Jubada Hoose oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka maamulkan uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa ku eedeeyay Raage "abaabulida falal liddi ku ah nabad-gelyadda".

Sida laga soo xigtay Dhabar, taliyaha oo haatan u sharaxan kursi Xildhibaan oo degaan doorashadiisu tahay Kismaayo, ayaa adeegsadey "magaca aan kiisa ahayn" si uu ugu caga-dhigto magaala madaxda ku meelgaarka u ah Jubaland.

"Ciidamadda ammaanka waxay u taagan yihiin in ay ilaaliyaan nabad-gelyada iyo badqabka shacabka dowlad goboleedka Jubaland," ayaa taliyaha oo kasoo muuqdey muuqaal uu baahiyey Jubaland Tv uu daaha ka rogay.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Annaga oo taas ka duuleyna waxaan maanta ka war helnay in uu maanta kasoo kicitamay Muqdisho isaga oo adeegsanaya magaca aan kiisa ahayn. Baaritaan kadib waxana ogaanay in uu saaran yahay diyaarad kasoo kacdey Muqdisho waxaana ku celinay meesha ay kasoo kacdey".

Taliyaha oo dacwad ku maray inay meel adag iska taagi doonan "talaabooyinka lagu abuurayo xasilooni darada" ayaa hoosta ka xariiqay in Mr Raage uu doonayey in uu hub soo geliyo magaaalada.

"Waxaa naga go'an in aan gacan bir ah ku qabano cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal geliso nabad-gelyadda ka jirta Jubaland - haddey noqoto gudaha iyo dibadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Jubaland Tv ayaa wariyey in Mr Raage uu "kamid yahay dadka ka faa'iideysanaya khilaafka ka dhaxeeya hogaanka Jubaland iyo dowladda federaalka" isla markaana "uu horey ugu howlanaa dibin-daabyo ka dhan ah" dowlad goboleedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM

Maxay tahay Casuumaadda uu Putin usoo diray Xasan Sheekh?

Safarada Xasan Sheekh ee dibadda ayaa noqday kuwii ugu badnaa oo Madaxweyne Soomaaliyeed sameeyo mudada uu xafiiska joogo.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 07:40AM