Jubaland oo ka hadashay dib-u-celinta lataliyaha Farmaajo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowlada Jubaland ayaa si rasmi ah waxay u fahfaahisay soo celinta Khamiista maanta ah ee diyaaraddii uu la socdey Cali Cabdi Raage, taliyaha doorashada Farmaajo taasoo loo diidey in ay ka degto Kismaayo.

Sadiiq Maxamed Dhabar, taliyaha booliska qeybta Jubada Hoose oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka maamulkan uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa ku eedeeyay Raage "abaabulida falal liddi ku ah nabad-gelyadda".

Sida laga soo xigtay Dhabar, taliyaha oo haatan u sharaxan kursi Xildhibaan oo degaan doorashadiisu tahay Kismaayo, ayaa adeegsadey "magaca aan kiisa ahayn" si uu ugu caga-dhigto magaala madaxda ku meelgaarka u ah Jubaland.

"Ciidamadda ammaanka waxay u taagan yihiin in ay ilaaliyaan nabad-gelyada iyo badqabka shacabka dowlad goboleedka Jubaland," ayaa taliyaha oo kasoo muuqdey muuqaal uu baahiyey Jubaland Tv uu daaha ka rogay.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Annaga oo taas ka duuleyna waxaan maanta ka war helnay in uu maanta kasoo kicitamay Muqdisho isaga oo adeegsanaya magaca aan kiisa ahayn. Baaritaan kadib waxana ogaanay in uu saaran yahay diyaarad kasoo kacdey Muqdisho waxaana ku celinay meesha ay kasoo kacdey".

Taliyaha oo dacwad ku maray inay meel adag iska taagi doonan "talaabooyinka lagu abuurayo xasilooni darada" ayaa hoosta ka xariiqay in Mr Raage uu doonayey in uu hub soo geliyo magaaalada.

"Waxaa naga go'an in aan gacan bir ah ku qabano cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal geliso nabad-gelyadda ka jirta Jubaland - haddey noqoto gudaha iyo dibadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Jubaland Tv ayaa wariyey in Mr Raage uu "kamid yahay dadka ka faa'iideysanaya khilaafka ka dhaxeeya hogaanka Jubaland iyo dowladda federaalka" isla markaana "uu horey ugu howlanaa dibin-daabyo ka dhan ah" dowlad goboleedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM