Jubaland oo shaki ka muujisay warka DF ee "baxsashada" Janan

Image

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland oo ka falcelisey warka kasoo yeeray booliska Soomaaliya ee ku saabsan in uu baxsaday Cabdirashiid Janan ayaa u tilmaamtay "mid shaki gelinaya bad-qabka wasiirka".

Maamulka madaxweyne Axmed Madoobe oo war-saxaafadeed kasoo saarey qadiyadan ayaa ka codsaday madaxda dowladda federaalka in ay meel ku sheegaan "raq ama ruuxda wasiirka".

"Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheegeynaa in xukuumadda federaalka qaadeyso wixii ku dhaca wasiirka," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo uu arkay GO.

Cabdirashiid Janan ayaa la qabtay bishii August 31-keedii sannadkii aynu soo dhaafnay 2019, waxaana dawladda Soomaaliya ay ku eedaysay inuu galay "dambiyo culus".

Xariggiisa ayaa waxaa cambaareeyey dowlad goboleedkeediisa Jubbaland oo ku qeexay "afduub iyo talaabo baalmarsan dastuurka qabyadda ah ee waddanka u yaala".

Dhinaca kale, qabashadiisa waxaa soo dhoweeyey hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo ku baaqday in maxkamad lasoo taago.

Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa illo wareedyo waxay kasoo xigatay in halka uu ka baxsaday "la geeyay shan maalmood ka hor".

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in goobta uu ka fakaday ay ku dhow xarunta nabad-sugida Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiijo kaabigana ku haysa Madaxtooyadda.

"Wuxuu adeegsaday meel daaqad ah markii uu baxsanayey," ayay yiraahdeen illo wareedyadda u waramay idaacada VOA-da, oo soo bandhigtay sawir lagu tilmaamay in uu yahay "meesha uu ka baxsaday".

Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM