Jubaland oo toogatay nin gabar uu adeer u ahaa kufsadey

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowlada Jubaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay degmada Dhoobley ee gobolka Gedo ay ku toogatay Xuseen Aadan Cali, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiinta degaanka.

Cali ayaa waxaa xukunka dilka toogashada ku fuliyey cutubyo ka tirsan ciidamadda gaarka ah ee Jubaland, waxaana goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan maxkamadda xukuntay iyo mas'uuliyiinta maxaliga ah.

Sidda ay tilmaameen saraakiisha, Cali oo askarta ay gacanta kusoo dhigeen markii uu baxsadey ayaa waxaa "lagu helay" in uu fal kufsi ah kula kacay Gacalo Ismaaciil Cabdullaahi, oo ah gabar 3-sano jir ah.

Gacalo ayaa, sida ay sheegeen xubno qoyskeeda  ah oo sababo ku aadan in ay amnigooda u baqayaan uga gaabsadey magacooda, waxay kalkii dambe u geeriyootay dhaawac kasoo gaarey falkaas faroxumeynta ah.

"Gabadha wuxuu ahaa adeerkeeda wuxuuna qabay hooyadeed. Walaahi illaa haatan waa wax lala yaaban yahay sababta ku kaliftey in uu faroxumeeyo gabar uu hooyadeed qabay," ayuu yiri xubin qoyska ah.

Soomaaliya ayaa safka hore waxay kaga jirtaa wadamadda tacadiyada dhanka jinsiga ah loogu geysto haweenka gaar ahaan gabdhaha. Dowladda waxaa lagu dhaleeceeyay in ay ka gaabisay latacaalida masiibadan.

Sida ku xusan warbixin April, 2021 uu daabacay xafiiska Qaraada Midoobay ee Soomaaliya, 400 kiis oo la xiriira tacadiyo jinsi ah ayaa ka dhacay Soomaaliya sanadkii hore kuwaas oo 9 kamid ah degaanada Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM