Jubaland oo xaqiijisay inay Somaliland ku casuuntay caleema saarka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socda Somaliland ay ku casuumeen ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe.

Sidda laga soo xigtay Sayid iyo illo wareedyo xog ogaal ah, wafuud maamulkaas ka socda ayaa joogay munaasabadda, wallow aysan wada imaan dhamaan xubnihii la marti soorey.

Munaasabadda oo si heer sarre ah loosoo agaasimay ayaa Khamiista maanta ah ka qabsoontay Kismaayo, waxaana kasoo muuqday wafuud kala duwan oo isugu jirta siyaasiyiin, madax xil haysa iyo hore.

Mr Aadan oo hadal-jeedinta kusoo dhaweeyay Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wafdiga maamulka Hargeysa uu u baaqday "xayiraadyo" taasi oo uu xusay "in ay aad uga xun yihiin".

Inkasta oo uusan fahfaahin caqabadaha, haddana waxaa xusid mudan in Villa Soomaaliya ay fartay in diyaaradaha tagaya caasimadda ku meel gaarka Jubaland ay soo mareen Muqdisho.

Si lamid ah Maxamuud ayaa waxa uusan kala caddeyn hadii ay maamulka Muuse Biixi Cabdi ay martiqaadka u direen ama xisbiyadda mucaaradka ee halkaas ka jira.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa isaga oo ku sugan Finland wuxuu lasii xiriiray Madaxtooyadda Jubbaland, wuxuuna caleema saarka iyo dib u doorashada ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe.

"Faysal wuxuu yiri 'dowladd federaalka waxay idin kugu sameyneysaa wixii ay nagu sameysay ee iska dul-qaata' wuuna mahadsan yahay," ayuu Sayid hadalkiisa u dhigay.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse waxa uu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Garyaqaanka guud ee maamulkaas ayaa siyaasiyiinta iyo cid walba oo halkaas ku nool wuxuu uga digay in ay tagaan xafladda, isaga oo ku goodiyey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM