Jubaland: Xildhibaan lagu diley magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Magaalada Kismayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland  ayaa habeenkii xaley lagu diley xildhibaan ka tirsan aqalka Barlamanka maamulkaasi.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Cabdixakiin Jaamac Cilmi (Tima-Faras) ayaa waxaa diley koox hubeysan kuwasoo rasaas kula beegsadey goob aqalkiisa ku dhow xaafada Calanleey.

Dilka kadib, ayaa goobta waxaa gaarey ciidamada amniga maamulka Jubbaland kuwasoo sameeyay baritaano, aab wali la ogeyn natiijadiisa.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Xildhibaanka.

Magaalada Kismaayo ayaa wayadaan waxaa wanagsanaa amnigeeda iyadoo maamulka Jubbaalnd ku guuleystey xasilinta amniga xarunta KMG ah ee maamulkaas.

Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa dhowaan waxaa lagu qabtey kulan ay isugu yimaadeen maamulada Soomaaliya kuwasoo kasoo saarey go'aano ku aadan xaaladda dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM