Khayre oo ka warbixiyey ujeedka socdaalkiisa dalka Mareykanka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo ugu baxay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka.

Shirka Sannadlaha ah oo looga hadlo horumarrada maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed ee lagu soo bandhigay shirka guga ayaa looga hadlayaa geedi socodka deyn Cafiska Soomaaliya.

Khayre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka.

"Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad (SMP4)".

Dhinaca kale, Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaca ka qaadey in safarkiisa uu daaran yahay sidii deynta looga cafin lahaa Soomaaliya "oo ay xukuuamdda mudnuunta siineyso".

"Waxaan si hufan uga shaqeyn doonnaa gaarista iyo joogteynta himilooyinkayaga ugu dambeeya ee horumarka," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho.

Sidda laga soo xigtay warbixinada, deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa waxay gaareysa aduun lacageed gaareysa in ka badan 3 milyan oo Doollar, taas oo wadamo kala duwan ay ku leeyihiin.

Norway ayaa dhowaan ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ka cafisay 16 milyan oo Doollar oo ay ku lahayd Soomaaliya, ayna siineyso mid cusub oo ay isaga bixiso deynta lagu leeyahay.

Wadamada deynta ku leh Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah; Mareykanka, Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika, kuwaas oo rajeyneya in dalka buuxiyo shuruudaha lagu xiray in qaanta laga daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM