Kolanyo ay la socdeen ciidanka AMISOM oo la weeraray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in maanta weerareen kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM kana soo jeeda waddanka Burundi.

Weerarkan ayaa, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, wuxuu ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Lamber 60 kuna dhow magaala madaxda gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka.

Warbixinada qaar ayaa soo jeedinaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey ciidamadda Burundi inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin guud ahaan waxyeeladda weerarka.

"Sidoo kale, waxaa jira waxyeelo soo gaarey gaadiidka ciidamadda AMISOM," ayuu yiri mid kamid ah dadka degaanka oo sababo ammaan uga gaabsaday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta.

Ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay howlgalka AMISOM iyo taliska ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika. Isku-dayo GO ku doonayey in uu kula xiriiro ma guuleysan.

Al-Shabaab ayaa u muuqata mid dib-boorka uga jafeysa weerarada oo hakad ku jiray bilooyinkii lasoo dhaafay oo dalku ku jiray is-mar-waa siyaasadeed oo salka ku haya doorashooyinka qaranka.

Doorashooyinka ayaa la filayaa in ay bilowdaan bilooyinka soo aadan. Nabad-gelyaddana waa mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala coddeynta oo la adag tii hore sababo ku aadan loolanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM