Kolanyo galbineysay Xasan Sheekh oo la xabadeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan Asluubta Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramay in Muqdisho ay ku rasaaseeyeen kolanyo uu la socday madaxweynihii 8aad ee qaranka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ma cadda ujeedka iyo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dhacdadaas. Falkan ayaa laga soo wariyey agagaarka Maxkamada gobolka Banaadir ee degmadda Xamarwayne ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaas oo kasoo baxay dhanka ciidanka Asluubta iyo waliba dhanka Xasan. Isku-dayo warsidaha Garowe Online ku haleeli lahaa ayaan guuleysan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in dhacdadan ay ka dhasheen dhaawac soo gaarey afar qof oo shacab ah kuwaasoo loola cararay xarumaha caafimaadka si loo badbaadiyo noloshooda.

Goobjoogeyaal ayaa intaas ku daray in ciidamada labada dhinac uu muran dhexmaray kahor rasaasta oo sidoo kale aan la ogeyn haddii ay ahayd mid hal dhinac ka socotay ama labada darafba ay is-dhaafsadeen.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu talaabo ka qaadey "askartii ka dambeysay falkaas".

"Ciidamo ku sugan agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa galabta rasaaseeyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu tallaabo degdeg ah ka qaado, sharcigana horkeeno ciidamadaas iyo ciddii bixisay amarka weerarka. Weerarka galabta ayaa noqonaya midkii saddexaad oo lagu beegsado Madaxweyne Xasan Sheekh," ayuu ku qoray Facebook.

Dhacdadan ayaa kusoo hagaageysa xilli dalku isku-diyaarinayo in uu guda galo doorashooyin isla markaana fulin lagu bilaabay heshiiska doorashooyinka ee lagu dhawaaqay todobaadkii lasoo dhaafay.

Qodobada ugu horeeya ee dhaqan-gelinta lagu bilaabay ayaa waxaa kamid ah kala saarida xubnaha muranka ka taagan yahay ee guddiyada doorashooyinka Soomaaliya kuwaasoo loo gudbiyey xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM