Kolonyaddii ugu horeysay oo 14 sano u kala gooshta Xamar iyo Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, (GO) - Gaadiid sida sahayda ciidamka ayaa markii ugu horeysay muddo 14 sano ah u safray wadada dheer ee u dhaxaysa Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxayna nabad ku gaareen halkii loo waday.

Tani ayaa ka dhigan horumar weyn oo dhanka amniga ah xilli dagaalo qaraar ay ku furanyihiin kooxda Alshabaab oo looga waashey marista waddooyinka.

Gaadiidkan oo dhan 12 ayaa u rarnaa ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka ka tirsan.

Sida ay sheegayaan wararka ay heshey GO, waddooyin kale ayaa iyaguna furmay, kuwaas durbaba la bilaabay in la adeegsado.

Sahayda ciidanka iyo isu socodka ciidamada ayaa markii hore lagu fulin jirey dhanka cirka. 

Haddii dagaalka guulo kale laga gaaro, waxaa lasoo tabinayaa In xitaa waddooyinka la marin doono gargaarka biniaadanimo ee hadda ka xayiran meelo badan.

Dhanka kale waxaa magaalada Dhuusamareeb soo gaarey galinkii dambe Khamiista Taliyaha ciidamada Qaranka iyo wasiirka Gashaandhiga dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhuusamreeb iyo degaano ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ka socda abaabul xoogan ee ciidan ee ku wajahan dagaanada ay weli ku sugan yihiin kooxda Al Shabab.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM