Ku biirida Soomaaliya ee EAC: Xasilooni amni mise Faragelin hore?

Image
Qodobka 124 ee heshiiska aasaasida Dalladda Bulshada Afrika ayaa qeexaya hanaanka faragelinta dowladaha xubnaha ka ah ururka.

KAMPALA, Uganda - Ku biirida Soomaaliya ee Dalladda Bulshadda Bariga Afrika ayaa sarre u qaadi karta tiradda dalalka ciidamadda shisheeye ay ka joogaan dalkan dhaca Geeska Afrika, sidda ay ku warantay majaladda afka dheer ee The East African.

Majaladan maxaliga ah oo soo xiganaysa khuburo dhanka ammaanka ah ayaa warisay in Soomaaliya ay ku biirtey Dalladda EAC iyadda oo wadata "shandad caqabado dhanka ammaanka ah sidda dagaalka Al-Shabaab".

"Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la raacayo Istaraatiijiyadda Nabadda iyo Ammaanka ee EAC, Ururku wuxuu Soomaaliya geyn doonaa ciidamo goboleed si ay u taageeraan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si la mid ah sidda ay sannadkii hore ugu direen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo," ayuu raaciyay wargeyska.

Khabiir dhinaca amniga gobolka ah una dhashay Uganda ayaa yiri: "Waxaan horay u aragnay in talaabadan markii ay ka dhacday DRC ay ka dhasheen caqabado. Ma jirto wax ka joojinaya EAC inay ku sii socoto waajibaad isku mid ah Soomaaliya, taas oo aan u baahnayn taageerada Qaramada Midoobay".

Uganda, Kenya iyo Burundi ayaa waqti-xaadirkan ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya hase ahaatee waxa ay ku yimaadeen ogolaanshiyaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u xilsaaray 19,000-askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (Atmis), iyagoo la dagaallamaya Al- Shabaab ilaa 2007.

Iyadoo waajibaadka ATMIS uu ku eg yahay Diseembar 2024, hoggaamiyayaasha dalalka ay ciidamadda ka joogaan Soomaaliya waxay ku kulmeen State House Entebbe, Uganda bishii Abriil ee sanadkan.

Hogaamiyeyaasha ayaa waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya u raadinayso xasillooni, iyagoo xusay in “gobolku uusan ka tagin Soomaaliya oo ay sahmin doonaan habab kale oo lagu dammaanad qaadka amniga Soomaaliya”.

Falanqeeyayaasha ammaanka ayaa arrintan ku macneeyay in Soomaaliya ay sii helayso ciidamada gobolka marba haddii loo ogolaadey kamid noqoshadda Dalladda Bulshadda Bariga Afrika, sidda uu dhigayo heshiiska EAC.

“Waxay ka dhigan tahay in dalal gaar ah ay ku xiran tahay inay taageeraan Soomaaliya. Hadda waxay noqonaysaa laba dhinac ama qaab kale oo dib-u-habayn ah," ayuu yiri Dismas Nkunda, oo ah falanqeeye amniga gobolka, kaas oo qabtay hawlo bini'aadantinimo, bartayna isbeddellada goobaha colaadaha Afrika.

Sannadkii 2006, Golaha Wasiirrada ee EAC ayaa qaatay Istaraatiijiyad Nabadda iyo Amniga 2006, taas oo hagta faragelinta dawladaha xubnaha ka ah dalladda, si ay uga jawaabaan caqabadaha amniga, sida ku cad qodobka 124 ee heshiiska aasaasida EAC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soomaaliya usoo diraysa Ciidanka labo qorshe fulinaya iyo Itoobiya oo isha ku haysa

Tababar dheeraad ah ayaa la siiyay Ciidanka Masar maadaama loo soo dirayo dal mudo dagaallo ka socdeen, islamarkaana ku xoog badan tahay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 03:38PM

Muxuu salka ku hayaa safarka deg-dega ah ee Xamase ku aadan Kenya?

Xamse waxaa sidoo kale la filayaa in Kenya kula kulmay siyaasiyiin iyo odayaal uu u arko inay la heshiisiin karaan Axmed Madoobe.

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 02:03PM