Kulamo ka socda Kismayo iyo wufuud ku qulquleysa

Image

Kismayo [ GAROWE ONLINE]- Wafdi kale oo uu hogaaminayo Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Dastuurka iyo Garsoorka DFS ayaa maanta 26 August,2014 galinkii dambe gaarey magalada Kismaayo 

Xubno ka tirsan Wasiirada maamulka Jubbaland ayaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiir Faarax iyo xubno kale oo la socday waxaana loo kexeeyey Madaxtoyada si ay ugu biiraan wafuud shalay magaalada gaartay.

Kulamo ayaa waxaa saaka uga bilowdey hoolka shirarka Madaxtooyada wafuud ka socota DFS, madaxda Jubbland iyo ergo ka socotay IGAD waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa golaha guurtida odayasha Jubbaland.

Saxaafada ayaa gabi ahaan banaanka looga saaray hoolka shirarka hase ahaatee warar hoose oo ku so dhacaya warqabadka GO Kismayo ayaa sheegaya in laga wada hadlay arrimaha dib u heshiinta iyo dhameystirka maamulka Jubbaland oo la sheegey inuu weli qabyo yahay.

Kulamo kale ayaa la filayaa in galabta ilaa iyo caawa qabsoomaan kaddibna war murtiyeed laga soo saaro qodobada la isla meel dhigo.

Wafuuda joogta Kismaayo ayaa sida lagu wado waxaa ay sii joogi doonaan ilaa laba cisho.

Kala soco Garowe online wararka soo kordha 

Xafiiska Kismaayo, GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM