Kulan Loogu mahad-celinaayay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

Kulan gaar oo loogu mahadcelinaayay Hay'adda Hormuud Salaam Foundation gurmadkii ay ka sameysay fatahaadii wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu qabtey magaaladda Muqdisho.

kulanka waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Hay'adda Hormuud Salaam Foundion, Gudoomiyaha gudiga Gurmad Walaal, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka.

Ugu horeen waxaa madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha gudiga Gurmad Walaal Ciise Maxamed Cumar wuxuuna sheegay inay mahad balaaran u jeedinayaan hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo si damqasho leh uga jawaabtay baaqyadii ug yimid dadka dhibaatadu saameysay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka kana mid ahaa gudiga gurmadka Shabellaha Dhexe ee fatahaadaha Maxamed Abuukar Zubeer ayaa ka mahad celiyay garab istaagii Hay'adda Hormuud Salaam Foundation.

Gudoomiyaha Hay'adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay sidii ay mas'uuliyad isga saareen u gurmashada dadkii uu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM