Lafta-gareen oo ka hadlay qaraxyadii lagu dhamaadey ee Wanlaweyn
BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Xaalada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan kadib qaraxyo jugtooda si weyn loo maqlay oo xalay lagu weeraray guriga sarkaal ka tirsan ciidanka milatariga.
Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dhacdadaas. Tirro kale oo haween ay kamid yihiin waxaa loola cararay Isbitaal kadib markii ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarkaas.
Sarkaalka oo hogaamiya ciidamo dhowaan laga soo bedelay Afgooye ayaa magaciisa lagu tilmaamay Cali Cabdullaahi Halac [Ilkacase]. Xogta waxay xuseysaa in waqtiga uu falku dhacayey uu sarkaalku ka maqnaa hoyga.
"Qaraxyadda waxay ahaayeen laba; mid gudaha lagu aasay iyo mid banaanka ah," ayuu yiri goobjooge telefoonka ugu waramay Garowe Online. "Dadka dhintay badankooda waa deris u soo cararay meesha ay wax ka dhaceen".
Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaasha, dadka ku geeriyooday dhacdadaan waxaa dishay Miinadda labaad. Xaaska sarkaalka oo magaceeda lagu sheegay Tuuney isla markaana ahayd xaamilo ayaa xusay in ay dhimatay.
Walalakeeda oo la yiraahdo Cabdicasiis oo kusoo baxay qaraxa ayaa waxaa lagu waramay in uu kamid yahay shaqsiyaadka ku dhintay qaraxa labaad.
Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa u dusiyey warsidaha GO in Halac uu guriga ka tagay galabtii. "Weerarka wuxuu u muuqdaa mid aad loosoo qorsheeyay, ayna ku lug leeyihiin dad isaga ku dhow," ayay yiraahdeen illo wareedyada.
Maamulka degmada iyo kan gobolka oo cambaareeyay falkaas ayaa ku eedeeyay maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.
Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta gareen], madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo dhankiisa si adag u cambaareeyay, ayaa tacsi wuxuu u diray ehelada, qaraabadda iyo asxaabta ay ka baxeen marxuumiinta.
"Waxaan ka tacsiyeynayaa musiibadii xanuunka badneyd ee caawa ka dhacday Wanlaweyn. Waxaan Alle uga baryayaa in intii ku dhimatay qaraxaas uu naxariistii jano ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna u booga dhayo. Shacabka Soomaaliyeed Alle haka qabto arxanlaawayaasha argagixisada," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay mareegaha Twitter-ka.
Qaraxyada ayaa kamid ah xeeladaha "ku dhufo oo ka dhaqaaq" oo Al-Shabaab ay adeegsato tan iyo markii laga saarey magaalooyinka waaweyn. Haatan, tuulooyinka ayay kasoo abaabulaan weeraro dhiig badan uu ku daato.
GAROWE ONLINE