​Liiska Murashaxiinta Guddoonka Aqalka Sare oo la shaaciyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga KMG ah ee qaban-qaabada doorashada Guddoonka  aqalka sare ayaa maanta gelinkii dambe kusoo bandhigay magaalada Muqdishu Murashaxiinta u taagan xilalka Gudoomiyaha iyo Labadiisa ku xigeen.

Guddiga Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub, ayaa waxa uu soo saarey liiska Murashaxiinta, kuwaas oo ay kasoo wado muuqdeen wajiyo badan, oo ku cusub siyaasadda dalka Sooomaaliya.

Labo Murashax ayaa u taagan xilka Gudoomiyaha kuwaasi oo kala ah Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mustaf Maxa'uud Qoodax, halka Labada ku xigeenna ay u tartamayaan min Todobo Murashax.

Xildhibaan Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada Doorashada Aqalka sare, ayaa sheegay in doorashada dhacaysa 22-ka Bishan January, 2017.

Doorashada Aqalka sare ayaa dhacaysa, xilli ay dhawaan Xildhibaanada aqalka hoose Muqdishu ku doorteen Afhayeen iyo ku xigeenadiisa, waxaana la filayaa in labada aqalka ay soo xulaan Madaxweynaha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM