Loolan ku gacan-saraynta laamaha amniga oo bilowdey

Image
Ammaanka ayaa kamid ah mawduucyadda ugu xasaasiyada badan waqtiga kala guurka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Loolan ku saabsan ku gacan-saraynta hay'adaha ammaanka ayaa ka dhex-bilowdey Madaxtooyadda Soomaaliya iyo laanta fulinta ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa talaabadii ugu horeysay waxay ka dhigtey in ay ciidamadda dharcadka ah ee hay'adda sirdoonka qaranka ay ka ciribtirto garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirka amniga gudaha oo warqadda soo saartey, ayaa faray hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka in ay deg-deg ku fuliso amarkaas.

Nuur oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay in amarkan uusan saameyn doonin ciidamadda NISA ee ka howlgala gudaha iyo baraha laga ilaaliyo madaarka.

"Isbedelka laxiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka). Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde," ayuu hoosta ka xariiqay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, musharax madaxwayne ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa si weyn wuxuu u taageeray in askarta NISA laga sifeeyo garoonka diyaaradaha.

"Marna sax ma ahayn in NISA ay ku lug yeelato Amniga garoonka diyaaradaha, sababtoo ah waa waajib u yaalla ciidanka Booliska. Markii ay NISA dagaalka iyo qarbudaadda ka gaysatay garoonka, ayey ahayd in laga wareejiyo. Waan  bogaadinayaa go’aanka Wasiirka amniga ee Booliska loogu wareejiyey mas'uuliyadda amniga garoonka," ayuu xusay.

Inkasta oo aysan wali soo saarin go'aan rasmi ah, kooxda Farmaajo ayaa fariimo ay baraha bulshadda ku faafisay ku muujisay in ay kasoo horjeedaan amarka wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ammaanka ayaa kamid ah mawduucyadda ugu xasaasiyada badan waqtiga kala guurka doorashooyinka Soomaaliya waxaana xifaaltankan laga cabsi qabaa in uu horseedo dayac iyo khalkhal nabad-gaylo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM