Maalinta Haweenka 2024: Dhaqaalaha Haweenka oo Udub-dhexaad u ah Horumarka iyo Caddaaladda
Maalintii shalay, bulshada caalamku waxay xuseen Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, taas oo Qaramada Midoobay si rasmi ah u aqoonsatay tan iyo sanadkii 1977 inay tahay maalin loo dabaaldego xuquuqda iyo horumarka haweenka. Mawduuca sanadkan oo ah “maalgashi ku samee haweenka” ayaa iftiiminaya baahida degdegga ah ee loo qabo in wax laga qabto arrimaha dhaqaale ee haweenka.
Asalka Maalinta Haweenka waxaa dib loogu celinayaa sanadkii 1909 dalka Maraykanka, taas oo ka dhalatay dibadbaxyo ay haweenku kaga soo horjeedeen xaaladaha shaqo ee aan wanaagsanayn. Qaramada Midoobay waxay bilaabeen inay maalintan u dabaaldegaan sanadkii 1975, laba sano ka dibna, waxay si rasmi ah ugu asteeyeen 8-da Maarso inay noqoto maalinta caalamiga ah ee la xuso.
Somaliya, maalintu waa dabaaldeg labanlaab ah oo ku aaddan guulaha ay gaareen haweenka Soomaaliyeed iyo xusuusinta halganka socda ee loogu jiro sinnaanta iyo baahida loo qabo ololaha joogtada ah. Xuskan waxa uu dowladda hor dhigayaa arrimo xasaasi ah sida sinnaanta maamulka, la dagaalanka rabshadaha iyo tacaddiyada haweenka, iyo horumarinta sharciyada baarlamaaniga ah ee muhiimka ah.
Dhismaha bulshada Soomaaliyeed oo ay ka jirto nidaam dhaqameed aabbannimo, taariikh ahaan waxaa la arkayay in haweenku ay gees maran yihiin, gaar ahaan siyaasadda. Tusaale ahaan, doorashadii dadbaneyd ee ugu dambeesay ee Puntland, hal haween ah ayaa loo xushay baarlamaanka, taas oo muujinaysa isu-dheelitir la’aan sii socota inkastoo horumar yar laga sameeyay magacaabista sida saddex haween ah oo ka mid noqday golaha wasiirrada 2024, taas oo weli ka yar 2% heerka ku lug lahaanshaha.
Haweenka Soomaaliyeed waxay la kulmaan caqabado gaar ah, sida adeegyada caafimaadka oo liita, kuwaas oo keenaya koror sanadle ah ee heerka dhimashada hooyada, iyo taageero la’aan dhanka waxbarashada gabdhaha, iyada oo aysan jirin siyaasad dowladeed oo dhiirrigelinaysa. Intaa waxaa dheer, ka qaybgalka haweenka ee doorka go’aan qaadashada ayaa si cad u muuqata, iyadoo himilada ah in baarlamaanka 30% ay haween noqdaan ay tahay mid aan weli la gaarin.
Haweenka Soomaaliyeed waxay wajahayaan caqabado adag oo ay ka mid yihiin musiibooyinka deegaanka, barakaca khasabka ah, iyo dhibaatada gudniinka fircooniga ah. Inkastoo horumar laga sameeyay dhawaanahan, weli waxaa jira arrimo badan oo aan la xallin, kuwaas oo ugu weyn tahay doorka dowladaha oo maqan.
Hase yeeshee, haweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen adkaysi soo jireen ah iyagoo ka gudbay caqabado taariikhi ah. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah horumarinta bulshada, iyagoo maamula inta badan ganacsiga yaryar iyo bixinta qaybta ugu badan ee dakhliga qoyska.
Iyadoo suuqyada Soomaaliya ay ka buuxaan haweenka dhaqaalaha horseedka u ah, codkooda iyo awooddooda siyaasadeed ayaa weli la cabudhiyaa. Maalintan Caalamiga ah ee Haweenka, waxaan u dabaaldegaynaa ruuxa aan daalayn ee haweenka Soomaaliyeed, annagoo ku dhiirrigelinayna inay sii wadaan raadintooda sinnaanta iyo inay jebiyaan caqabadaha, hortaagan.
Garowe Online waxay garab taagan tahay haweenka geesiyada ah ee Soomaaliyeed Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka. Waxaan u rajeynaynaa safar aan joogsi lahayn oo ay ku gaarayaan sinnaanta iyo aqoonsiga.